Madaxweyne Waare Oo La Kulmay Saraakiil Ka Tirsan Midowga Africa

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada Hir-Shabeelle ee Magaalada Jowhar waxa uu kulan kula qaatay Saraakiil sar sare oo ka socotay Midowga Africa.

Kulanka oo ay ku wehlinayeen Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas Cali Guudlaawe Xuseen,Wasiirka Amniga Iyo Dhaqan Celinta ,Saraakiisha Booliska Hirshabelle ayaa waxa ay uga hadleen labada dhinac arrimo dhowr ah.

Ujeedka Kulanka ayaa Waxuu ahaa Xoojinta Xiriirka Midowga Africa Iyo Dowlad Goboleedka Hir-shabelle,iyo sidii howlgallo amniga lagu xaqiijinayo looga fulin lahaa deegaanada ay Maamulka Hir-Shabeelle kaga sugan yihiin Hir-Shabeelle.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare waxa uu uga mahad celiyey Madaxda Midowga Africa sida wanaagsan ay maamulkiisa uga taageeraan dhinacyada amniga iyo Dhaqaalaha.