Madaxweyne Waare Oo Sheegay in Shacabka Baladweyne Ay Heysato Musiibo Ka Weyn Maamulkooda

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalmahaan ku sugan Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa shir jaraa’id ku dhex qabtay Biyaha kas oo fatahay Wabiga Shabeelle ee Xaafadaha Magalada Baladweyne.

Madaxweyne ayaa sheegay in inta badan Xaafadaha Baladweyne uu ku soo fatahay Wabiga,isla markaana Caalamka ay indhahooda ku arkayaan biyaha faraha badan oo uu dhigay Xaafadaha Magalada Baladweyne,

Waxa uu sheegay in fatahaada Wabiga ee Magalada Baladweyne ay ka barakaceyn in ka badan (Boqol Kun oo ruux) oo isugu jira Waayeel iyo Caruur,isla markaana dhibaato weyn ay ka jirto Baladweyne.

Waxa uu ka dalbaday Caalamka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya in ay dadkaasi u soo gurmadaan,isaga oo shegay in musiibada halkaasi ka jirta ay tahay mid ka awoow weyn Maamulka Hir-Shabeelle.