Madaxweyne Waare Oo Xilkii Kaqaaday Wasiirkii Maaliyadda Maamulka Hir-Shabeelle

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta waxaa uu xilkii ka qaaday Wasiirkii Maaliyadda Maamulkaas Maxamed Maxamuud Cabdulle, iyada oo uu Magacaabay Shaqsi kale xilkaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa xilka looga qaaday Wasiirkii Maaliyadda & horumarinta dhaqaalah Hir-Shabelele, iyada oo xilkaasi loo Magacaabay Cabdi Shakuur Abuukar Xasan.

Wareegtada ayaa lagu xusay in xilka qaadista Wasiirka Maaliyada ay sabab u tahay in la doonayo in la sameeyo isbeddel dhinaca Maaliyadda tas oo keentay baahi loo qabo,waxaana warar soo baxayay ay sheegayan in maalmahaan uu jiray khilaaf u dhaxeeyay Madaxweyne Waare iyo Wasiirka Maaliyadda Hir-Shabeelle ee xilka laga qaaday.