Madaxweyne Xaaf oo dowladda dhexe Edeyn ujeediyay

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay in dhibaatooyinkii saacaddihii lasoo dhaafay ka dhacay degaano ka mid ah maamulka Galmudug ay qeyb ka aheyd.

Xaaf ayaa sheegay in dilalkii ka dhacay Cadaado, Hobyo, Balanbale iyo Afbarwaaqo ay ahaayeen Ukumihii ay abuurtay dowladda dhexe ee Soomaaliya oo qarxay.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale sheegay in Khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada uu noqday mid daba dheeraaday oo xilligaan qarka u saaran in uu dalku burburo.

Waxaa uu sheegay in aysan jirin horumar laga sameeyay Soomaaliya iyo degaanada Galmudug intaba sanadii lasoo dhaafay sababo la xariira Khilaafka ka dhex jira dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.