Madaxweyne Xaaf Oo lagu Soo dhoweeyay Dhuusa-mareeb

Axmed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha Galmudug  oo safar shaqo mudooyinkan dambe ku joogay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa maanta soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Madaxa xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo qaar ka mid ah Golihiisa wasiirada .

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay waxyaabihii uga soo qabsoomay intii uu ku maqnaa safaradiisa dibada iyo gudahaba waxa uuna sheegay in uu mudo uu ku sugna Magaalada Gaalkacyo halkaasna uu joogay Arimo badan oo ay ka midyihiin sidii loo sii wadi lahaa Horumarinta amniga iyo nabada Gaalkacyo iyo in Galmudug isku tashato si loo helo isku tashi iyo isku filnaanshana dadku ay Canshuurta bixiyaan canshuunta la qaadana ay ku baxdo nidaam Dowladeed si ay hadhoow bulshadu uga faa’iideystaan.