Madaxweyne Xaaf Oo Soo Gaaray Gaalkacyo

Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa Saaka gaaray Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Madaxweyne Xaaf, waxaana uu sheegay in maalmaha soo socda in uu ku sugnaan doono Gaalkacyo.

Wafdiga Madaxweyne Xaaf ayaa ka yimid dhanka Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland, halkaasoo oo uu kaga qeyb galay Caleemasaarka Madaxweyne Dani.