Madaxweyne Xasan oo Muqdisho ka sagootiyey safiirkii Shiinaha .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la qaatay Danjiraha muddo xileedkiisa diblumaasiyadeed uu dhammaaday ee Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha u fadhiyey dalkeenna, Safiir Fei Shengchao.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Danjire Fei doorka uu ka qaatay adkaynta xiriirka Labada dal iyo kobcinta iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya Labada shacab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweeyeen Danjiraha, ulana shaqeeyeen muddadii uu matalayey dalkiisa.

Sidoo kale Safiirka ayaa tilmaamay xusuusta wanaagsan ee uu ka haysto shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda, muddada uu ku sugnaa dalkeenna.

Shiinaha ayaa ka mid ah dowladaha sida dhow u taageera Soomaaliya, sidoo kale waa mid ka mid ah saaxiibada ugu weyn ee Soomaalidu ay leedahay, waana soo jireen xiriirka salka adag oo Soomaaliya iyo Shiinaha.

Shiinaha ayaa Soomaaliya u arka wadan istaraatiiji ah oo ku haboon saaxiibtinimada, sidoo kale Shiinaha ayaa daneynaya in geeska Afrika uu ku yeesho dhaqdhaqaaq muuqda, halka fursadaas uu ka heli karana waa Soomaaliya.