Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqasho shaqo ku jooga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.
Kulanka ayaa looga hadlay adkeynta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo labada hoggaamiye ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, isku xirka kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo horumarinta iskaashiga gobolka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Geeska Afrika, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka waara ee gobolka. Labada dhinac ayaa muujiyay inay ka go’an tahay in la xoojiyo wada-shaqeynta istiraatiijiga ah ee ka dhaxeysa labada dowladood si looga jawaabo caqabadaha amni iyo kuwa horumarineed ee gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay guusha uu xisbigiisu ka soo hooyay doorashooyinkii ka dhacay dalka Itoobiya, isaga oo u rajeeyay inuu sii ambaqaado dadaallada lagu horumarinayo dalka, laguna xoojinayo xasilloonida iyo midnimada shacabka Itoobiya.
Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa soo dhoweeyay booqashada Madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo caddeeyay in Itoobiya ay muhiimad weyn siinayso horumarinta xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in labada dal ay leeyihiin dano wadaag ah oo ku saleysan derisnimo, iskaashi dhaqaale iyo amni, isla markaana ay sii xoojin doonaan wada-shaqeynta si loo gaaro horumar iyo nabad waarta oo gobolka oo dhan laga dareemo.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, xilli ay labada dal ka wada shaqeynayaan arrimo muhiim u ah amniga, dhaqaalaha iyo horumarka Geeska Afrika.