Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Dalka dib ugu soo laabtay kagadaal markii uu Dalka Imaaraadka Carabta uu kaga soo qeyb galay shirkii caalamiga ahaa ee isbeddelka cimilada (COP28).
Madaxweynahe Xasan ayaa intii ku sugnaay Imaaraadka waxa uu kulammo gooni gooni ah la qaatay Madaxda iyo Hay’adaha caalamiga ahDunida ee ka soo qeyb-galay shirweynahaasi, kuwaas oo uu kala hadlay saameynta xooggan ee isbeddelka cimilada oo dalka Somalia uu safka hore kaga jiro dalalka ay dhibaatada ugu badan ay ka soo gaartay.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Magaalada Dubai waxa uu dadaal ku bixiyey in taageero iyo garab istaag loo helo howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ay saameysay isla markaasine ku barakacay daadadka ka dhashay fatahaadda El-neno, isagoo soo bandhigay baaxadda dhibaatada ka dhalatay iyo tallaabooyinka ay qaaday dowladiisa.
DHAMAAD
