Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Gaaray Jabuuti si uu uga Qayb Galo Xuska 49-guurada Xorriyadda Dalkaas

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta booqasho shaqo ku gaaray magaalada Jabuuti, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa ka mid ah madaxda dalalka gobolka iyo wakiillo ka socda ururrada caalamiga ah ee lagu casuumay ka qeybgalka munaasabadda qaran ee lagu xusayo sanad-guurada 49-aad ee ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda Jabuuti ay xorriyaddeeda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska 27-kii Juun 1977. Munaasabaddan ayaa ah mid sanad walba si heer qaran ah looga xuso dalka Jabuuti, waxaana ka soo qeyb gala madax iyo marti sharaf ka kala timaadda dalal badan oo saaxiib la ah Jabuuti.

Inta uu ku sugan yahay Jabuuti, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kulan rasmi ah la yeesho Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo iyo iskaashiga dhow ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyagoo diiradda saari doona arrimaha amniga, ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha, iyo iskaashiga heer gobol.

Kulamada ayaa sidoo kale la filayaa in lagu lafaguro xaaladda Geeska Afrika, dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyo sidii labada dowladood ay u sii adkeyn lahaayeen iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Booqashadan ayaa ka tarjumaysa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo labada dal ay si joogto ah uga wada shaqeeyaan arrimaha nabadda, amniga, diblomaasiyadda iyo horumarinta iskaashiga gobolka. Waxaa sidoo kale la filayaa in kulamada Madaxweynaha Soomaaliya uu la yeelanayo madaxda Jabuuti ay sii xoojiyaan xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada shacab iyo labada dowladood.