Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka qeyb galay munaasabadda weyn ee lagu xusayay sannad-guurada 49-aad ee ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda Jabuuti ay xornimada ka qaadatay gumeysigii Faransiiska.
Munaasabaddan qaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay madax iyo wufuud ka kala timid dalal badan, masuuliyiin heer gobol iyo heer caalami ah, diblomaasiyiin, iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay dabaal-degga maalinta xorriyadda Jamhuuriyadda Jabuuti.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ugu hambalyeeyay munaasabaddan taariikhiga ah, isaga oo ku ammaanay dadaallada ay ku gaareen horumarka dhinacyada nabadgelyada, dowlad-dhiska, koboca dhaqaalaha iyo xoojinta iskaashiga gobolka. Madaxweynaha ayaa sheegay in maalinta xorriyaddu ay tahay maalin xusuus iyo sharaf u leh shacabka Jabuuti oo muddo dheer u soo halgamay sidii ay u hanan lahaayeen madaxbannaanidooda.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale salaan diirran iyo hambalyo uu ka siday shacabka Soomaaliyeed gaarsiiyay walaalkiis Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo muujiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay ula qeybsanayaan walaalahooda reer Jabuuti farxadda maalintan qiimaha badan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay ka dhexeeyaan xiriir taariikhi ah oo ku dhisan walaaltinimo, diin, dhaqan iyo af wadaag, isla markaana labada dal ay yihiin kuwo mar walba iska kaashaday adkeynta nabadda, xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka muuqda ee Jamhuuriyadda Jabuuti ay ka qaadato taageeridda dowlad-dhiska Soomaaliya, nabad ilaalinta, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta iskaashiga gobolka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in labada dowladood ay sii xoojin doonaan wada shaqeynta dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, isku socodka shacabka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, si loo abuuro fursado horumarineed oo waara oo ay ka faa’iideystaan labada shacab.
Intii uu ku sugnaa Jabuuti, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti iyo madax kale oo ka qeyb galay munaasabadda, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga gobolka, dadaallada lagu ciribtirayo argagixisada, iyo arrimaha muhiimka u ah nabadda iyo horumarka Geeska Afrika.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ugu hambalyeeyay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti sannad-guurada 49-aad ee xorriyaddooda, isaga oo Alle uga baryay in Jamhuuriyadda Jabuuti uu ku gallado nabad, xasillooni, horumar iyo barwaaqo, isla markaana uu sii adkeeyo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.