Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa ka qeyb galay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusay 66-guurada ka soo wareegtay maalintii ay gobollada Waqooyi ee Soomaaliya xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, 26-kii Juun 1960. Munaasabaddan oo ah mid ka mid ah maalmaha ugu qiimaha badan taariikhda Soomaaliyeed ayaa astaan u ah billowgii hirgelinta himiladii gobannimo-doonka iyo mideyntii ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isaga oo xusay in maalintan ay tahay xusuus qaran oo lagu maamuuso halyeeyadii nafahooda u huray xorriyadda iyo karaamada dalka. Wuxuu sheegay in xorriyaddii la gaaray aysan ku imaan si fudud, balse ay ka dambeysay halgan dheer, naf-hurnimo iyo adkeysi ay muujiyeen halgamayaashii Soomaaliyeed ee u istaagay difaaca sharafta iyo jiritaanka ummadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in guulaha taariikhiga ah ee la gaaray ay ka dhasheen midnimo iyo isku duubni ay shacabka Soomaaliyeed muujiyeen, taas oo horseeday in Soomaaliya ay yeelato dowlad madax-bannaan. Wuxuu tilmaamay in waajibka jiilka maanta saaran uu yahay ilaalinta midnimada, dowladnimada iyo madax-bannaanida dalka, si loo sii ambaqaado himilooyinkii ay u soo halgameen aabbayaashii iyo hooyooyinkii Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaaliya ay weli wajahdo caqabado saameyn ku leh nabadda, midnimada iyo horumarka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin amniga, xasilloonida iyo dhameystirka dib u dhiska dowladnimada. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in caqabadahaas ay barbar socdaan fursado waaweyn oo u baahan in si wadajir ah looga faa’iideysto, si loo xoojiyo hay’adaha dowladda, loo hormariyo adeegyada bulshada, loona xaqiijiyo mustaqbal ay Soomaaliya ku gaarto nabad waarta, horumar dhaqaale iyo isku duubni qaran.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan wadajirka, is-ixtiraamka iyo iskaashiga, isla markaana ay garab istaagaan dadaallada lagu sugayo amniga, lagu horumarinayo dalka, laguna ilaalinayo madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 26-ka Juun, isaga oo Alle uga baryay in Soomaaliya ay ku naaloodo nabad, barwaaqo iyo horumar waara, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay sii xoojiyaan midnimada iyo wadajirka si loo xaqiijiyo himilada qaran ee jiilasha soo socda