Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeraya qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada dalka looga xoreynayo AS ayaa gaaray deegaanka Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeelaha dhexe.
Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ah in uu dardargaliyo howlgalda gobolkan looga sifeynayo AS isla markaana uu dhiirrigeliyo ciidamada Xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.
Madaxwaynaha oo ku bogaadiyay Saraakiisha hoogaamisa ciidamada ee guulaha kasoo hooyay dagaalka AS ayaa adkeeyay in loo guntado criribtirka AS ah iyada oo laga duulayo qorshaha dalka looga saarayo Al-shabaab