Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Sheikh Mohamud, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), kaasi oo si qoto dheer loogu falanqeeyey horumarka siyaasadeed, abaabulka ururka, iyo diyaar garowga doorashooyinka ka socda heerarka kala duwan ee degmooyinka dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray warbixin dhammaystiran oo la xiriirta horumarka iyo guulaha laga gaaray ololaha doorashooyinka ee ka socda degmooyinka dalka, iyadoo si gaar ah loo eegay heerka uu marayo wacyigelinta bulshada, abaabulka taageerayaasha, iyo kordhinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee muwaadiniinta ku nool gobollada kala duwan. Mas’uuliyiinta Ururka ayaa soo bandhigay qorshayaal istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo hannaanka doorashooyinka, isla markaana lagu xoojinayo kalsoonida bulshada ee nidaamka dimuqraadiyadeed.
Intii uu socday kulanka, Madaxweynaha ayaa si qoto dheer u dhegeystay warbixinno kala duwan oo ay soo jeediyeen xubnaha Guddiga Fulinta, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyey marxaladaha uu marayo Ururka, caqabadaha jira, iyo fursadaha lagu ballaarin karo saameynta siyaasadeed ee Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP). Waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in si mideysan loo wajaho howlaha socda, si loo xaqiijiyo guulo waara oo siyaasadeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka ku bogaadiyey dhammaan mas’uuliyiinta iyo howl-wadeennada Ururka dadaalka iyo abaabulka joogtada ah ee ay muujiyeen, isagoo si gaar ah u xusay in dadaalkoodu uu yahay mid muhiim u ah dhismaha nidaam siyaasadeed oo hufan oo ku saleysan wada-tashi, wada-shaqeyn, iyo isla xisaabtan. Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyey in la sii xoojiyo wacyigelinta bulshada, lana ballaariyo ka-qaybgalka siyaasadeed ee shacabka, si loo helo nidaam matalaad dhab ah oo ku dhisan rabitaanka dadweynaha.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in musharixiinta heerarka kala duwan ee doorashooyinka isku sidkan ee dalka ka dhacaya ay ku tartami doonaan si waafaqsan xeer-hoosaadka, nidaamka iyo habraacyada rasmiga ah ee Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP). Waxa uu carabka ku adkeeyey in hannaanka doorashada uu noqon doono mid hufan, cadaalad ah, isla markaana ka turjumaya mabaadi’da dimuqraadiyadda iyo xaqa muwaadiniinta ee doorashada xorta ah.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale tilmaamay in muhiimad gaar ah la siiyo ilaalinta midnimada Ururka iyo in laga fogaado khilaafyo gudaha ah oo carqaladeyn kara howlaha siyaasadeed. Waxa uu ku boorriyey hoggaanka Ururka in ay si joogto ah u xoojiyaan wada-shaqeynta iyo isku xirnaanta xubnaha, si loo xaqiijiyo in Ururku uu noqdo mid si adag u dhisan oo leh hiigsi siyaasadeed oo mideysan.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in laga gudbo siyaasadda qofeysan, isla markaana muwaadin kasta oo leh han siyaasadeed uu ku kalsoonaado codka iyo go’aanka dadweynaha. Waxa uu xusay in dimuqraadiyaddu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo waara, ayna lagama maarmaan tahay in dhammaan dhinacyadu ay ku dhaqmaan habraacyo daahfuran oo lagu kalsoonaan karo.