Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu u safro dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kula kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Labada hoggaamiye ayaa la filayaa inay si gaar ah uga wada hadlaan xaaladda cakiran ee ka taagan maamulka Konfur Galbeed, gaar ahaan gobollada Bay iyo Bakool oo ay ku sugan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah oo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta.
Safarkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada militari ee Dowladda Federaalka, iyadoo ciidamo badan loo diray deegaannada Bay iyo Bakool si loo xoojiyo ammaanka iyo joogitaanka dowladda ee halkaas. Ilo wareedyo ku dhow dowladda ayaa sheegaya in qorshaha uu yahay in si buuxda gacanta loogu dhigo xarunta maamulka ee Baydhabo.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho kadib safar uu ugu maqnaa gudashada cumrada. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa tilmaamay in xukuumaddu ay ka go’an tahay dardargelinta howlgallada iyo xoojinta maamulidda deegaanada Bay iyo Bakool, inkastoo ay jiraan xiisado siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Konfur Galbeed.
Guud ahaan, xaaladda ayaa u muuqata mid sii kululaanaysa, iyadoo isha lagu hayo natiijada kulanka la filayo inuu dhex maro Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, kaas oo saameyn ku yeelan kara jihada siyaasadeed iyo amni ee maamulka Konfur Galbeed.