Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur munaasabadda 26-ka Juun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur, isaga oo maamuusay halyeeyadii Soomaaliyeed ee nafahooda u huray halgankii gobannimo-doonka iyo sidii dalka looga dulqaadi lahaa heeryadii gumeysiga.

Munaasabadda ubax-dhigga oo ka mid ahayd dabaaldegyada lagu xusayay 66-guurada xorriyaddii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, ayaa lagu muujiyay qiimaha taariikheed ee ay leedahay 26-ka Juun, oo ah maalintii ugu horreysay ee Calanka Soomaaliyeed ee xorriyadda lagu taagay dhulka Soomaaliyeed, kaddib markii gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska 26-kii Juun 1960.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xuska halyeeyadii gobannimada u soo halgamay uu yahay waajib qaran, maadaama ay naf iyo maalba u hureen sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xorriyad, sharaf iyo dowlad madax-bannaan. Wuxuu xusay in halgankooda uu saldhig u noqday dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed iyo mideyntii shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Taallada Dhagaxtuur ay ka mid tahay astaamaha ugu muhiimsan ee lagu xasuusto halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed, isla markaana ay xambaarsan tahay fariin ku wajahan jiilasha cusub oo ku saabsan ilaalinta taariikhda, midnimada iyo qiyamka ay ku dhisantahay qarannimada Soomaaliya.

Waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan wadajirka, nabadda iyo ilaalinta madax-bannaanida dalka, si loo xaqiijiyo himilooyinkii ay u soo halgameen halyeeyadii Soomaaliyeed, loona dhiso Soomaaliya nabdoon, mideysan oo horumarsan.

Munaasabadda ubax-dhigga ayaa qeyb ka ahayd barnaamijyada kala duwan ee lagu maamuusayo maalmaha xorriyadda Soomaaliya, iyadoo madaxda qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir ah u xusayaan halgankii iyo guulihii taariikhiga ahaa ee horseeday gobannimada dalka.