Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka taleefanka kula yeeshay wadahadal muhiim ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa. Wadahadalkan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah.
Labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, iyagoo isla qiray muhiimada ay leedahay iskaashi ku saleysan dano wadaag, ixtiraam iyo is-gacan-siinta labada shacab. Sidoo kale, waxay ka wada hadleen xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika iyo Koonfurta Qaaradda Afrika, iyagoo xoogga saaray baahida loo qabo nabad, xasillooni iyo horumar waara.
Madaxweynayaashu waxay si gaar ah diiradda u saareen kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha iyo ka shaqeynta arrimaha gobolka ee ay labada dal wadaagaan, si loo adkeeyo nabadgelyada, loona dhiirrigeliyo horumar waara oo ka hanaqaada gobolka.
Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa, ayaa mar kale si cad u xaqiijiyay taageerada buuxda ee dowladda Koonfur Afrika ay u hayso madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo dowladnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo muujiyay diyaar u ahaanshaha dalkiisa ee sii wadista taageerada ku aaddan dadaallada nabadda, dib-u-dhiska iyo horumarka Soomaaliya.
Labada Madaxweyne ayaa ugu dambeyn isku raacay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-hadallada iyo iskaashiga mustaqbalka, si loo gaaro himilooyinka wadajirka ah ee ku aaddan nabad, xasillooni iyo horumar u adeegaya shucuubta labada dal.