Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho Rasmi ah uga bilaabatay Magaalada Dooxa oo si weyn uu ugu soo dhaweeyey Amiirka Dalkaasi Qatar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay magaalada Dooxa ee Dalka Qatar ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaas waxa uu kulan kula qaatay Amiirka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad Al Taani.

Madaxweynaha Dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Qatar ayaa kulankooda diirradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar, taas oo dhabbaha u xaareyso adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Dhankiisa, Amiir Tamiim Binu Xamad ayaa bogaadiyey guulaha miro-dhalka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta Al shabaab, isagoo dowladda Soomaaliya ku ammaannay daddallada ay ku bixineyso ka sifeynta dalkeeda argagixisada iyo in ay hormuud u noqoto xasillooni waarta oo ka hirgasha Gobolka Geeska Afrika.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xiriir qota dheer, kaas oo ku saleysan dardargelinta danaha labada shacab ee maalgashiga, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, amniga, la dagaallanka argagixisada, iskaashiga siyaasadda iyo diblomaasiyadda.