Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqday gogosha tacsida Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle, Marxuum Cali Cabdullaahi Cosoble, oo dhawaan geeriyooday.
Madaxweynaha ayaa halkaasi kula kulmay qoyskiisa, eheladiisa iyo dadweyne kale oo u yimid ka qeybgalka tacsida marxuumka, isaga oo dhambaal tacsi iyo duco ah la wadaagay dhammaan dadkii uu ka baxay, gaar ahaan qoyskiisa iyo ehelkiisa, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay geerida marxuumka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in marxuumka loo duceeyo, qoyskiisa iyo ehelkiisana lala qeybsado murugada iyo tiiraanyada geerida.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa saxiixay buugga tacsida marxuumka, isaga oo qoraal tacsiyeedkiisa ku muujiyay murugada uu ka qabo geerida Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Marxuum Cali Cabdullaahi Cosoble inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, hoygiisana ka yeelo Jannatul Firdows, halka qoyskiisa, ehelkiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed uu Alle uga baryay inuu ka siiyo samir iyo iimaan.
Booqashada Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah tacsida iyo murugada ay mas’uuliyiinta dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed la qeybsanayaan qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Cali Cabdullaahi Cosoble.