Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax-dhigay Jaamacadda Difaaca Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhagax-dhigay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka, taas oo hirgelinteedu qayb ka tahay qorshaha Madaxweynaha ee lagu tayeynayo aqoonta iyo xirfadaha la xiriira difaaca dalka.

Jaamacaddan ayaa la qorsheeyay inay soo saarto aqoonyahanno Soomaaliyeed oo leh aqoon, xirfad iyo karti ay ugu adeegaan difaaca iyo ilaalinta qaranka. Waxaa sidoo kale la dhisayaa qaab casri ah, iyadoo ka koobnaan doonta kulliyado kala duwan, xarumo cilmi-baaris, goobo tababar iyo dhammaan adeegyada lagama maarmaanka u ah xarun waxbarasho oo heer jaamacadeed ah. Dowladda Shiinaha ayaa Soomaaliya ka taageeraysa hirgelinta mashruucan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhagax-dhigay dib-u-dhiska Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo ay fulinayaan Hoggaanka Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka. Isbitaalka ayaa ka koobnaan doona saddex dabaq, waxaana loo dhisayaa qaab casri ah oo daboolaya adeegyada caafimaad ee looga baahan yahay xarun caafimaad oo heer sare ah.

Dib-u-dhiska isbitaalkan ayaa muhiim u ah xoojinta daryeelka caafimaad ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo bahda kale ee adeegyada caafimaad ka hela, iyadoo la doonayo in la helo xarun si buuxda u dabooli karta baahiyaha caafimaad ee ciidamada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dadaalka ay ku bixinayaan dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha ciidamada. Waxa uu tilmaamay in dadaalladaasi ay suurageliyeen in hay’adahaasi ay muddo kaddib awood u yeeshaan qorsheynta iyo fulinta mashaariic waaweyn oo wax ka taraya tayeynta ciidamada, kor u qaadista aqoontooda iyo horumarinta daryeelkooda caafimaad.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dib u hawlgeliyey Hoggaanka Dhismaha Taliska Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo dardargeliyo howlaha dhismaha, dayactirka iyo horumarinta kaabayaasha ciidamada.

Mashaariicdan ayaa qayb ka ah qorshaha lagu horumarinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, tayeynta aqoonta iyo xirfadaha ciidamada iyo hagaajinta adeegyada ay u baahan yihiin.