Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimada Dhuusamareeb ee Maamulka Galmudug ka furay, Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka.
Madaxda heer federaal iyo heer Maamul Goboleed ayaa shirkan waxa ay diirada ku saari doonaa xaaladaha guud amniga dalka ee uu haatan ku sudan yahay, dardargalinta howlgalada dib u xoreynta, xasilinta deegaanada laga saaray Kooxda AS iyo gaarsiinta adeegyada laga mamaarmaanka ah ee bulshada Deegaanadaasi u baahan tihiin.
Shirka waxaa ka soo qaybgalay, Ra’iisulwasaaraha Xukuumada Federal Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axamed Jaamac, Madaxweynaha Maamulak Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale.
Shirkaan ayaa imaanaya xili Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sugnaay Seddexdii Todobaad ee ugu dambeysay Caasimada Dhuusamareeb, si uu hogaamiyo Dagaalka ka dhanka ah Kooxda AS, Mudadaasi madaxweynuhu waxa uu kulamo dadweyne oo Suaalo toos loo weydiinayo iyo Shirar gaar gaar ah la qaadanayey Qeybaha kala duwan Bulshada. Sida Dhaqanka, habeenka, iyo Dhalinyada
Dhanka kale waxa uu Shirkaan wada tashiga qaran imaanayaa xili ay ciidamada XDS ay guulo la lataaban karo kazoo hooyeen dagaalka Kooxda AS oo ay la wareegeen gacan ku haynta deegaano
DHAMMAAD
