Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Doha ee caasimadda Dowladda Qatar, ayaa Qasriga Lusail kulan rasmi ah kula yeeshay Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray tacsi uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u gudbiyay Amiirka Dowladda Qatar, kaddib geerida ku timid Alle ha u naxariistee Amiirkii Aabbaha ee hore ee Qatar, Marxuum Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga murugootay geerida marxuumka, isagoo xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin Dowladda Qatar iyo shacabka walaalaha ah xilligan adag ee ay ku jiraan. Madaxweynaha ayaa Amiirka, qoyska boqortooyada iyo guud ahaan shacabka reer Qatar uga rajeeyay samir iyo iimaan, isagoo Alle SWT uga baryay marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, Janatul Firdowsana ka hoysiiyo.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in xiriirka walaaltinimo, iskaashi iyo is-aaminaad ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar uu yahay mid sii xoogeysanaya, islamarkaana labada dal ay ka go’an tahay xoojinta wada shaqeynta dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, horumarinta iyo amniga.
Dhankiisa, Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga Soomaaliyeed tacsida iyo garab istaagga ay muujiyeen. Amiirka ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Qatar ay leeyihiin xiriir taariikhi ah oo ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi miro dhal ah, isagoo bogaadiyay heerka wanaagsan ee iskaashiga labada dowladood.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, iyadoo labada hoggaamiye ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay joogteynta wada shaqeynta dhinacyada danaha wadaagga ah, si loo sii xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.