Madaxweyne Xasan Sheekh oo Furay Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, kaas oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Furitaanka kalfadhiga ayaa yimid xilli dalka uu wajahayo arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta amniga, dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta, dhameystirka dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo hirgelinta hannaanka doorashooyinka tooska ah. Madaxweynaha ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay fadhiga, isagoo dul istaagay xaaladda guud ee dalka iyo mudnaanta dowladda ee sannadka soo socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horreyn bogaadiyay Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo ku ammaanay kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaateen dowlad-dhiska dalka, meel-marinta sharciyada muhiimka u ah qaranka, kor u qaadista isla xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo matalaadda danaha shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Baarlamaanku uu laf-dhabar u yahay dowladnimada Soomaaliya, isla markaana uu door muuqda ku leeyahay ilaalinta dastuurka, sharci dejinta iyo la socodka hannaanka shaqo ee hay’adaha fulinta. Wuxuu ku boorriyay mudanayaasha inay sii xoojiyaan wada shaqeynta iyo mideynta dadaallada lagu horumarinayo dalka.

Dhanka amniga, Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay sii waddo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka. Wuxuu tilmaamay in guulo wax ku ool ah laga gaaray dagaalka lagula jiro Khawaarijta, isagoo ammaan u jeediyay Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed ee garab istaagay ciidamada. Madaxweynaha ayaa xusay in iskaashiga u dhexeeya dowladda, ciidamada iyo bulshada uu horseeday in deegaanno badan laga saaro kooxaha argagixisada, isla markaana dib loogu soo celiyo adeegyada dowladda.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay horumarka laga sameeyay dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo kobcinta adeegyada bulshada, isagoo xusay in dowladdu mudnaan gaar ah siisay horumarinta dhaqaalaha, adeegyada bulshada, maalgashiga iyo dib-u-habeynta maamulka maaliyadda si loo xoojiyo kalsoonida shacabka iyo tan beesha caalamka.

Arrimaha dimuqraadiyeynta ayuu Madaxweynaha si gaar ah diiradda u saaray, isagoo sheegay in dowladda ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ku saleysan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu caddeeyay in doorashooyinka tooska ahi ay yihiin tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhisi karo dowlad loo dhan yahay, laguna xaqiijin karo in muwaadiniintu si xor ah u doortaan hoggaankooda.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan dowlad-goboleedyada, axsaabta siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo dhismaha dowlad casri ah oo ku dhisan wadajir, sharci iyo isla xisaabtan.

Gabagabadii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo amniga, horumarinta dhaqaalaha, dhameystirka dib-u-eegista dastuurka iyo hirgelinta nidaam dimuqraadi ah oo dalka u horseeda xasillooni, horumar iyo mustaqbal wanaagsan, isagoo Baarlamaanka ugu baaqay inay sii laba jibbaaraan shaqada qaran ee hortaalla si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.