Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaar gar ah Adis-ababa kula qaatay Hugaamiyaasha Dalalka Itoobiya, Rwanda, Tanzania iyo Buruudni.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira kulamo uu la yeelanayo madaxda ka qayb galaysa shir madaxeedka 36-aad ee Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis-ababa ayaa kulamo la qaatay Ra’iisul wasaaraha Dalka Itiibiya Aby Ahmed, Madaxweyneyaasha Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye iyo Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan.

Kulanka ayaa lagu dul istaagay dhibaatada xooggan ee  ALshabaab ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda iyagoo isla meel dhigay in la iska kaashado dagaalka kooxaha nabadda diidan si loo xaqiijiyo Afrika nabdoon, horumarsan oo barwaaqo ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo akle la qaatay dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dalka iyo sidii la iskaashi loo sameyn lahaa.

Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa iska xog wareystay xaaladda Gobolka Geeska Afrika.