Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug.
Soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal ka mid ah shacabka magaalada Bandiiradleey, kuwaas oo isugu soo baxay waddooyinka iyo goobaha uu marayay wafdiga, iyagoo muujiyay soo dhaweyn iyo taageero ay u hayaan booqashada Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Bandiiradleey u tagay qeyb ka mid ah safarkiisa Nabadda iyo u kuur-galka xaaladaha nololeed ee bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug. Safarkan ayaa Madaxweynaha ku maraya degmooyin iyo deegaano kala duwan oo ka tirsan Galmudug, si uu si dhow ugu ogaado xaaladaha amni, nololeed iyo baahiyaha bulshada.
Intii uu Madaxweynaha ku sugnaa Bandiiradleey, wuxuu la kulmay bulshada deegaanka iyo maamulka magaalada, isagoo dhageystay aragtidooda ku aaddan xaaladda deegaanka, amniga iyo adeegyada bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay maamulka iyo shacabka Bandiiradleey soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo, isagoo tilmaamay in booqashada noocan ah ay muhiim u tahay in dowladda ay si toos ah ula xiriirto shacabka ku nool deegaanada dalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale bulshada ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wadajirka, nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada, isagoo sheegay in amniga iyo isku duubnidu ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar waara.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bulshada Bandiiradleey ugu baaqay inay ka shaqeeyaan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida deegaanka, isla markaana ay si wadajir ah uga qeyb qaataan horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta fursadaha dhaqaale.
Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa qeyb ka ahaa safarka Madaxweynaha, waxaana labada dhinac ay si dhow ula socdaan xaaladaha ka jira deegaanada Galmudug iyo baahiyaha shacabka.
Safarka Madaxweynaha ee deegaanada Galmudug ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka dowladda iyo shacabka, iyadoo sidoo kale diiradda lagu saarayo nabadda, amniga, wadajirka bulshada iyo horumarinta adeegyada muhiimka u ah nolosha dadka.
Booqashada Bandiiradleey ayaa ku soo beegmaysa xilli Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu socdaal ku marayo qeybo ka mid ah Galmudug, isagoo kulamo la qaadanaya bulshada iyo maamulka, si uu ugu kuur-galo xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaanadaasi.