Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyow wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Degmadan uu maanta gaaray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaadyadii u dambeeyay wajaheysay culeys xooggan, oo uga imaanayay kooxda Al-Shabaab, xilli bilihii lasoo dhaafay uu hoos u dhacay gulufka kooxda ka dhanka ahaa.
Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale waxaa socdaalkan ku wehlinayay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor, waxaana qeyb ka ah mas’uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.
Xasan Sheekh iyo wafdigiisa oo ay qayb ka yihiin saraakiil sar-sare ayaa sidoo kale indhaha soo saari doona saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka laga abaabulayo dagaalka, si mar kale la’isugu daba rido, una qaadaan duulaan culus oo ka dhan ah kooxda.
Xarardheere ayaa astaan u ah adkeysi iyo fara-adeyg ay sameeyeen dadkeeda in magaalada noqoto meel ka caagan argagixisada, maadaama ay noqotay deegaan si rasmi ah loo xasiliyay oo noloshii ay dib ugu soo laabatay, sida waxbarashadii iyo adeeggii kale ee bulshada.
Galmudug iyo HirShabelle ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana lagu xorreeyay deegaanada ugu badan ee soo galay gacanta dowladda.