Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu kaga qaybgalayo furitaanka Matxafka Qaran ee Dhaqanka iyo Taariikhda Masar.
Madaxweynaha ayaa ka mid ah madaxda lagu casuumay munaasabaddan heerka sare ah, isaga oo ujeeddadiisu tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.
Inta uu joogo Qaahira, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa Masar, Abdel Fattah El-Sisi, iyo madax kale oo caalami ah. Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin Xoojinta xiriirka laba geesoodka ah,Iskaashiga amniga gobolka,Horumarinta waxbarashada iyo dhaqaalaha
Masar iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir soo jireen ah oo ku saleysan dhaqanka, diinta, waxbarashada, iyo iskaashi siyaasadeed, iyagoo sidoo kale iska kaashanaya arrimaha muhiimka ah sida ammaanka Badda Cas iyo kobcinta iskaashiga horumarineed.