Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoomiyay Kulanka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo arrimaha bulshada.

Kulanka ayaa Madaxweynaha waxaa uu warbixino kala duwan ka dhageystay Golaha Wasiirrada, kuwaas oo la xiriiray amniga, ganacsiga, siyaasadda, caafimaadka iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa soo bandhigay guulo la taaban karo oo laga gaaray dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska. Waxaa la xusay in lixdii bilood ee u dambeysay howlgalada ciidamada ay ku guuleysteen in la tirtiro xubno badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Intaa waxaa dheer, Wasiirka Maaliyadda ayaa ka warbixiyay qorshaha miisaaniyadda sanadka 2026, oo lagu wado in ay kororto, iyadoo mudnaanta la siinayo maalgelinta adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee aas-aasiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn ku booriyay Golaha Wasiirrada in ay si buuxda uga qeybqaataan dadaallada dimuqraadiyeynta dalka, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka loona adkeeyo dowladnimada iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa ah kii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu guddoomiyo tan iyo markii uu magacaabay Xukuumadda Federaalka ee haatan jirta.