Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim u ah dalka, oo ay ka mid yihiin xaaladda amniga, doorashooyinka madaxa-bannaan ee socda iyo xoojinta hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.
Intii uu socday kulanka, Golaha Wasiirrada waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada qalabka sida ay ka sameeyeen goobaha ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, kuwaas oo lagu sheegay inay ciidamadu ku gaareen guulo muhiim ah isla markaana khasaare weyn lagu gaarsiiyey kooxdaasi.
Golaha ayaa sidoo kale diiradda saaray horumarka laga sameynayo hannaanka doorashooyinka dalka iyo dadaallada lagu xoojinayo ka qeybgalka shacabka, isla markaana lagu xaqiijinayo in doorashooyinka ay u dhacaan si hufan oo waafaqsan nidaamka dimuqraadiyadda.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Diiwaangelinta iyo Rukhsad-siinta Ganacsiyada, kaas oo lagu tilmaamay inuu muhiim u yahay nidaaminta ganacsiga dalka, fududeynta adeegyada ganacsatada iyo horumarinta dhaqaalaha qaranka.
Sidoo kale, Golaha ayaa ansixiyey heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Agaasinka Guud ee Arrimaha Diinta ee Madaxtooyada Turkiga iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha diinta iyo adeegyada bulshada.
Kulanka ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo ku aaddan sugidda amniga, dhammeystirka geeddi-socodka doorashooyinka iyo hirgelinta qorshayaal lagu horumarinayo adeegyada iyo hay’adaha dalka.