Dhuusamareeb – 20 Agoosto, 2025
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta guddoonsiiyey Shahaado Sharaf Maamulaha Bangiga Dhexe ee Galmudug State, Mudane Abdulrazak Mohamed Abdi, kadib dadaallada muuqda ee uu ku bixiyay horumarinta nidaamka maaliyadeed ee Galmudug.
Madaxweynaha ayaa sheegay in abaalmarintan ay tahay aqoonsi iyo dhiirrigelin ku wajahan shaqada hufan ee Maamulaha Bangiga Dhexe ee Galmudug iyo kaalinta uu ku leeyahay xoojinta maamul maaliyadeed oo casri ah, daahfuran isla markaana ku dhisan isla xisaabtan.
“Mudane Abdulrazak Mohamed Abdi wuxuu tusaale fiican u yahay hoggaamiye daacad ah oo dadaal muuqda ku bixiyay dhismaha nidaam maaliyadeed oo lagu kalsoonaan karo. Shahaadadan Sharafka ah waa aqoonsi ku saabsan shaqadiisa iyo sida uu ugu adeegayo shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Dhankiisa, Maamulaha Bangiga Dhexe ee Galmudug ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya abaalmarinta, isaga oo sheegay in ay dhiirrigelin u tahay in uu sii xoojiyo dadaalka lagu dhisayo nidaam maaliyadeed oo waxtar leh, kana shaqeeya horumarinta Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.
DHAMMAAD