Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Guulihii ay gaartay Dowladiisa iyo Higsiga Sanadka Cusub 2023.

Madaxweynaha JF ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sannadka cusub ee 2023 uu noqonayo sannad adeeg iyo waxqabad ay la timaado dawladdiisa.

Madaxeynaha ayaa galabta jeediyey khudbad ku aaddan sannadka cusub ee 2023. Waxa uu sheegay in sanandkan uu noqonayo sannadka dib u xiraynta, iyo dhammaystirka dastuurka qabyada ah.

Madaxeynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xaaladda amniga ee dalka iyo hawlgalladii bilahan socday ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab

Madaxweynaha ayaa sheegay in dawladdiisu ay hiigsanayso sidii ay mas’uuliyadda amniga waddanka ula wareegi lahayd bisha Decembar sannadka 2024-ka, markaas oo loo qorsheeyey inay dalka ka baxaan ciidamada Midowga Afrika ATMIS.

Isaga oo ka hadlayey arrimaha dhaqaalaha ayuu madaxwyenuhu sheegay in Soomaaliya ay dhammaystiri doono hannaanka dayn cafinta sannadkan bartamihiisa.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah Fariin Codsi ah ugu diray Shacabka soomaaliyeed ayaa yiri”Soomaaliyeey walaalayaal waxaa idinka codsanayaa meel kasta aad ku nooshihiin, dal iyo dibad inaad ii hiillisaan, anigoo ah madaxweynihii aa shalay adinka doorateen, oo aad iigu hiillisaan soo celinta karaamada iyo sharafta aan muddada dheer ka oomaneen ee aan u hanqal taageyno”

Madaxweyne Xasan ayaa intaasi ii raaciyey”Soomaaliya waxa ay ka mid yihiin ummadaha dunida ugu karaamada badan, ugu sharafta badan, uguna heybadda badan, waa dal leh qeyraad badan, hal af iyo hal diin leh, isir iyo dhaqan qura leh, ma jirto sabab aan ugu noolaan weyno nolol karaameysan, farxad iyo barwaaqo, waxaa u socdaa inaan intaas ka mira dhaliyo, ii hiilliya maanta”.