Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Hadlay Munaasabadda 25 Sano Guuradii Shirkii Carta.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay xuska 25 sano guuradii shirkii Carta ee 2000 oo lagu qabtay magaalada Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimadda nabadda iyo dadaalka dowladda ee xasilinta dalka, isagoo shacabka ugu baaqay midnimo iyo is-aamin.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo carabka ku adkeeyay in Soomaalidu ay iyagu dhistaan dalkooda, shisheeyuhuna uusan xal rasmi ah keeni karin.

Shirkii Carta wuxuu ahaa tiir-dhexaadka geeddi-socodka dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, iyadoo sanadkii 2000 lagu dhisay Dowladdii Kumeelgaarka ahayd ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Cabdqaasim Salaad Xasan.