Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mid ahaay Aas-aasayaashii Jaamacadda SIMAD, oo ka qeyb galay sanad-guurada 25-aad ee Jaamacadaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa ka qeyb galay xafladda lagu maamuusayay sanad-guurada 25-aad ee aasaaska Jaamacadda SIMAD.

Intii ay munaasabadda socotay, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey juhdiga aas-aaseyaasha, maamulka, macallimiinta, iyo ardayda Jaamacadda SIMAD ee muddo rubuc qarni ah ku guuleystay inay hormuud ka noqdaan horumarinta aqoonta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo sare u qaadidda tacliinta sare ee dalka. Wuxuu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay jaamacaddu ku leedahay tayeynta waxbarashada iyo kobcinta xirfadaha dhalinyarada si ay door mug leh ugu yeeshaan dib-u-dhiska dalka.

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay madax ka tirsan dowladda, aqoonyahanno, iyo xubno kale oo muhiim ah oo ka socda bulshada, kuwaas oo dhammaantood ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay waxbarashada iyo jaamacaduhu ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

DHAMMAAD