Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb-galay Shir Madaxeedka 26-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda dagaal ee ka taagan Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC). Shirkan oo lagu qabtay habka fogaan aragga ah, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh la wadaagay hoggaamiyeyaasha EAC sida ay Soomaaliya uga walaacsan tahay colaadda sokeeye ee DRC, isaga oo dhinacyada dagaallamaya ugu baaqay xabbad-joojin shuruud la’aan ah iyo wada-hadal nabadeed.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay waayo-aragnimada Soomaaliya ee colaadaha sokeeye iyo khasaaraha ka dhasha, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada in ay ilaaliyaan goobaha rayidka iyo xarumaha diblomaasiyadda, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah. Ugu dambeyn, madaxda EAC waxay isla garteen in la qabto shir degdeg ah oo ay si wadajir ah uga qayb-galayaan Urur Goboleedka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) si looga arrinsado nabadda DRC.