Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay bandhigga la-xisaabtanka Wasaaradaha Xukuumadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay bandhigga lagu soo xirayay hannaanka la-xisaabtanka sannadlaha ah ee Wasaaradaha Xukuumadda, kaas oo lagu soo bandhigay natiijooyinka waxqabadka iyo heerka ay wasaaraduhu ka gaareen fulinta qorshayaashii loo dejiyay sannadka 2026.

Bandhigga ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta waxqabadka Wasaaradaha, gaarista bartilmaameedyadii loo asteeyay iyo gudashada waajibaadkooda shaqo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa billado guddoonsiiyay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda, kuwaas oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeyntii waxqabadka ee sannadkan. Sidoo kale, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu abaalmariyay hirgelinta hannaanka casriga ah ee lagu la socdo laguna qiimeeyo waxqabadka Wasaaradaha Xukuumadda.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Xukuumadda dadaalka ay ku bixisay hirgelinta qorshayaasha dowladda iyo horumarinta adeegyada bulshada, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay la-xisaabtanka hay’adaha iyo howl-wadeennada dowladda.

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo hufnaanta shaqada, isla markaana si joogto ah loo qiimeeyo natiijooyinka waxqabadka si loo ogaado meelaha horumarka laga sameeyay iyo kuwa u baahan dardar-gelin.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Wasiirrada iyo hay’adaha dowladda ugu baaqay in natiijooyinka la gaaray ay noqdaan saldhigga lagu sii xoojinayo waxqabadka, laguna saxayo gaabisyada jira, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha dowladda ay si muuqata uga tarjumaan baahiyaha iyo danta shacabka Soomaaliyeed.