Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb kaga qaybgalay munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee maamulka Galmudug, taas oo lagu caleema-saaray Hoggaamiyaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, iyo ku-xigeenkiisa, Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare).
Madaxweynaha ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray hoggaanka cusub ee Galmudug, isaga oo ammaanay doorashooyinkii ka qabsoomay deegaannada maamulka, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo taariikhi ah, kuna dhacay nabad iyo hannaan ilbaxnimo ku dhisan.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in doorashooyinkaas oo laba jeer oo xiriir ah ka qabsoomay Galmudug ay muujinayaan horumarka laga sameeyay geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta nidaamka doorashooyinka qof iyo cod, kaas oo shacabka u saamaxaya inay si toos ah u doortaan hoggaankooda.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, hawlgallada ka dhanka ah Kooxda AS, xoojinta dowladnimada iyo horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda.
Waxa uu xusay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorashooyin toos ah, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay codkooda ugu doortaan hoggaamiyeyaasha dalka iyo hay’adaha dowladda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale caddeeyay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay dhageysiga iyo tixgelinta aragtiyada siyaasadeed ee kala duwan, isaga oo carrabka ku adkeeyay in aan laga tanaasuli doonin mabda’a ah in shacabka Soomaaliyeed dib loogu celiyo xaqooda dastuuriga ah ee ay ku dooranayaan cidda hoggaaminaysa.