Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kampala Kaga Qayb Galay Caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Sheikh Mohamud, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Uganda, Mudane Yoweri Kaguta Museveni, oo lagu qabtay magaalada Kampala.

Munaasabaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay madax iyo wufuud ka kala socotay dalal badan oo Afrika iyo caalamka ah, kuwaas oo goob joog u ahaa caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweyne Yoweri Museveni, isaga oo u rajeeyey in hoggaamintiisa cusub ay shacabka iyo dowladda Uganda u horseeddo nabad, horumar, xasillooni iyo barwaaqo. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalka gobolka si loo xoojiyo amniga iyo horumarka guud ee Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda soo dhoweynta diirran iyo martigelinta wanaagsan ee ay u sameeyeen wafdiga Soomaaliya, isaga oo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo ku dhisan walaaltinimo, iskaashi iyo taageero dhinacyo badan leh.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Uganda, gaar ahaan dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, dib u dhiska hay’adaha dowladda iyo horumarinta xiriirka siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal.