Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Dekedda Caalamiga ah ee Muqdisho, halkaas oo uu si dhow ugu kuurgalay xaaladda guud ee dekedda, howlaha ka socda iyo qorshayaasha lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalka.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku guda jiray kormeerka booqday qeybaha kala duwan ee dekedda, oo ay ka mid yihiin xarumaha kaydka shidaalka, bakhaarada waaweyn ee ganacsiga, iyo dhismayaasha cusub ee xafiisyada maamulka dekedda, isaga oo dhageystay warbixinno ku saabsan heerka ay marayaan howlaha dib-u-habeynta iyo casriyeynta adeegyada dekedda.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, gaar ahaan xarumaha muhiimka u ah ganacsiga iyo isku socodka badeecadaha, kuwaas oo door weyn ka qaata kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, halkaas oo lagu soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda dekedda, horumarka laga gaaray mashaariicda socda iyo qorshayaasha mustaqbalka.
Kulanka ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay qorshaha dhismaha Dekedda Cusub ee Muqdisho, taas oo loogu talagalay in ay sare u qaaddo awoodda dekedda caasimadda, daboolna baahida sii kordheysa ee dhanka ganacsiga iyo adeegyada badeecadaha soo galaya dalka.
Mas’uuliyiinta ayaa Madaxweynaha la wadaagay qorshayaasha lagu horumarinayo maamulka dekedda, kordhinta hufnaanta adeegyada, iyo sidii loo abuuri lahaa hannaan casri ah oo u sahlaya ganacsatada Soomaaliyeed inay si fudud uga faa’iideystaan fursadaha ganacsi ee ka jira gudaha iyo dibadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in horumarinta dekedaha Soomaaliya ay tahay tiir muhiim u ah kobaca dhaqaalaha qaranka, maadaama ay gacan ka geysanayaan ballaarinta ganacsiga, soo jiidashada maalgashiga, abuurista fursado shaqo iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay suuqyada caalamka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale faray Wasaaradda Dekedaha iyo maamulka Dekedda Muqdisho inay sii laba jibaaraan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada dekedda, korna loogu qaadayo tayada shaqada, si shacabka Soomaaliyeed iyo ganacsataduba ay u helaan adeegyo casri ah oo hufan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoogga saareysay dib-u-dhiska iyo casriyeynta xarumaha muhiimka ah ee dhaqaalaha dalka, iyadoo dekedaha, garoomada diyaaradaha iyo waddooyinka waaweyn ay ka mid yihiin meelaha mudnaanta la siinayo si loo dardargeliyo horumarka iyo isku xirnaanta dhaqaale ee Soomaaliya.