Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta ee Prof. Cadow, oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo, halkaas oo lagu bixiyo tababbarro xirfadeed oo loogu talagalay dhallinyarada.
Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay maamulka iyo macallimiinta dugsiga, isaga oo si dhow ugu kuurgalay howlaha waxbarasho iyo tababbar ee ka socda xarunta. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale booqday fasallada, goobaha tababarka, xafiisyada maamulka, guryaha deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee dugsiga.
Dugsiga ayaa ardayda lagu baraa xirfado kala duwan oo ay kamid yihiin korontada, dhismaha guryaha, cilmiga kombiyuutarrada iyo farsamada gaadiidka, kuwaas oo muhiim u ah baahida suuqa shaqada iyo horumarinta dhaqaalaha deegaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay maamulka Dugsiga Prof. Cadow iyo Dowladda Galmudug, isagoo ku ammaanay dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada farsamada gacanta iyo kobcinta xirfadaha dhallinyarada.
Madaxweynaha ayaa xusay in maalgashiga xarumaha waxbarashada iyo tababarrada xirfadeed ay door muhiim ah ka qaadanayaan mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed, maadaama ay siinayaan aqoon iyo xirfado ay si toos ah uga faa’iideysan karaan noloshooda iyo suuqa shaqada.
Waxa uu tilmaamay in dhalinyarada la baro xirfadaha farsamada ay fursad u helayaan inay shaqooyin ka helaan gudaha dalka, isla markaana ay iyagu abuuri karaan ganacsi iyo fursado shaqo oo cusub.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo xarumaha lagu bixiyo waxbarashada farsamada gacanta, si loo yareeyo shaqo la’aanta loona kordhiyo tirada dhallinyarada leh xirfadaha ay u baahan yihiin dalka iyo bulshada.
Kormeerka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qeyb ka ahaa kulamadii iyo booqashooyinkii uu ku tagayay deegaannada Galmudug, isagoo intii uu ku sugnaa Gaalkacyo u kuurgalayay xaaladda bulshada, adeegyada muhiimka ah iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda magaalada.