Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, isaga oo u kuurgalay habsami u socodka shaqada Wasaaradda iyo adeegyada ay u qabato bulshada.
Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda iyo wakiillo ka socda beeraleyda Soomaaliyeed, kuwaas oo uu ka dhageystay cabashooyinka, caqabadaha haysta iyo talooyinkooda ku aaddan horumarinta wax-soo-saarka beeraha dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhiirrigelin lahaa wax-soo-saarka dalagyada beeraha, loona fududeyn lahaa caqabadaha ay beeraleydu kala kulmaan suuq-geynta wax-soo-saarkooda, si loo xoojiyo wax-soo-saarka gudaha loona kobciyo dhaqaalaha dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ganacsatada la wadaagay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dhiirrigelinta ganacsiga, ilaalinta maalgashiga gaarka loo leeyahay iyo abuurista jawi ganacsi oo suurtageliya in ganacsatadu si nabad ah oo hufan u gutaan waajibaadkooda.
Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la isu dheellitiro sugidda amniga dalka iyo fududeynta isu-socodka ganacsiga, si loo xaqiijiyo jawi ku habboon kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta wax-soo-saarka dalka.