Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku booriyey Dahlinyarada Soomaaliyeed in ay la yimaadaan doorkooda hugaaminta Dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda FeFederaalkSoomaaliya mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey kulan dhalinyaro oo lagu maamuusayey maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL ayaa tilmaamay in dhallinyarada maanta joogta fursad dahabiya haystaan oo ku aaddan in ay muujiyaan kaalintooda si ay horseedna ugu noqdaan hiigsiga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ku booriyey in ay mideeyaan cududooda, codkooda iyo taladooda si ay door muhiim ah uga qaatan isbedelka dalka ee xoreynta dalka, la dagaalka musuq maasuqa, hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo dhameystirka dastuurka dalka, iyagoo soo bandhigaya siyaasad ay ku caddahay qorshaha fog ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Markii bulsho la hoggaaminayo heer kasta ay tahay waa siyaasad, siyaasadna la isma siiyo dhallinyaro, mana ku soo raadsaneyso mas’uuliyaddu ama xilka, sida xirfadaha kale ku soo raadsanayaan. sidaas darteed siyaasadda waa inaad doonataan, si aad u raadsataanna waa inaad abuubulan tihiin oo aad leedihiin hoggaan iyo nidaam aad ku wada shaqeysaan si aad u xaqiijisaan waxa aad rabtiin, markaas cid idin hor istaagi karto ma jirto”

Dhallinyarada ka soo qeyb gashay munaasabadda ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr Xasan Sheekh Maxamuud la wadaagay aragtiyo iyo talooyin wax tar u leh qaran diska dalkeenna, waxa ayna waydiiyeen su’aallo ku qotomo qorshaha dowladda ee ku aaddan fursadaha dhallinyarada iyo xuquuqaha ay tebayaan, isagoo uu mid mid uga jawaabay su’aalaha dhallinyarada, kuna adkeeyey dhallinyarada xoojinta dowladnimada, sarreynta sharciga iyo dowlad wanaagga.