Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee dalka.
Madaxweynaha ayaa ardayda ugu hambalyeeyay guusha iyo natiijada wanaagsan ee ay ka soo hooyeen imtixaanka, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda, adkaysigooda iyo sida ay uga go’an tahay waxbarashada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ardayda kula dardaarmay inaysan ku ekaan guusha ay hadda gaareen, balse ay sii laba-jibaaraan dadaalkooda waxbarasho, si ay uga mid noqdaan jiilka aqoonta leh ee mustaqbalka hoggaamin doona dalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in guusha ay ardaydani gaareen ay tusaale u tahay dadaalka iyo kartida ay leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in maalgelinta waxbarashada iyo dhiirrigelinta ardayda ay muhiim u tahay horumarka dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ardayda u ballanqaaday in arday kasta oo daneynaya inuu dalka gudihiisa ka sii wato waxbarashadiisa uu heli doono fursad waxbarasho oo bilaash ah, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo haldoorka aqoonta iyo ardayda Soomaaliyeed.
Ballanqaadka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu fursad muhiim ah u noqon doono ardayda ka soo baxda dugsiyada sare, gaar ahaan kuwa muujiyay karti iyo dadaal waxbarasho, si ay u helaan fursad ay ku sii wataan waxbarashada heerka jaamacadeed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay qorshaha dowladda ee hirgelinta jaamacad kale oo dowladeed, taas oo bixin doonta waxbarasho iyo casharro si gaar ah ugu jihaysan culuumta Tiknoolajiyadda iyo aqoonta casriga ah.
Jaamacaddan ayaa la sheegay inay fursado waxbarasho oo tayo leh siin doonto dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda xiisaynaysa culuumta tiknoolajiyadda, sayniska iyo xirfadaha casriga ah ee looga baahan yahay suuqa shaqada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in horumarinta waxbarashada iyo tiknoolajiyaddu ay yihiin tiir muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya, iyadoo loo baahan yahay in dhalinyarada dalka lagu qalabeeyo aqoon iyo xirfado ay kaga qeyb qaataan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi dhiirrigelin iyo bogaadin ah, iyadoo Madaxweynaha uu ardayda ku boorriyay inay noqdaan kuwo ku dayasho mudan, kana faa’iideysta fursadaha waxbarasho ee loo abuuro.
Guusha 10-ka arday ayaa sidoo kale loo arkaa dhiirrigelin u baahan in loo beddelo fursado waxbarasho iyo horumarineed, si loo kobciyo jiil aqoon leh oo door muuqda ka qaata hoggaanka iyo horumarka Soomaaliya.