Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Milatariga Türkiye

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Milatariga Jamhuuriyadda Türkiye, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu, oo booqasho ku jooga dalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, gaar ahaan iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca, amniga iyo horumarinta awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Milatariga Türkiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii adkeyn lahaa wada-shaqeynta milatari ee labada dal, loona dardargelin lahaa dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada caalamiga ah, iyadoo la xoojinayo iskaashiga dhinaca tababarrada, tayeynta iyo taageerada ciidamada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda uu iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye u leeyahay xoojinta amniga dalka, dhismaha hay’adaha amniga iyo dadaallada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida.

Dhinaca kale, booqashada Taliyaha Guud ee Ciidanka Milatariga Türkiye ayaa muujinaysa xiriirka dhow ee iskaashi ee ka dhexeeya labada dal, kaas oo muddooyinkii dambe si weyn ugu fiday dhinacyada difaaca, amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta guud ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Türkiye ayaa leh xiriir istaraatiiji ah oo dhinacyo badan taabanaya, iyadoo iskaashiga amniga iyo difaaca uu ka mid yahay tiirarka ugu muhiimsan ee xiriirka labada dal.