Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Talyaaniga, kaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga, Mudane Matteo Piantedosi, oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

Kulanka Madaxweynaha iyo wafdiga Talyaaniga ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo si gaar ah looga hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha dowladda, maareynta socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha, iyo sidii labada dowladood ay u sii ballaarin lahaayeen wada-shaqeynta istaraatiijiga ah ee ku dhisan danaha wadaagga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska hay’adaha dowladda, horumarinta ciidamada amniga, kobcinta adeegyada dowladeed iyo taageerada geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Madaxweynaha ayaa xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Talyaanigu uu yahay mid soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi, saaxiibtinimo iyo is-aaminaad, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay muhiimad weyn siinayso sii xoojinta xiriirkaas si looga miro dhaliyo himilooyinka nabadda, xasilloonida iyo horumarka dalka.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga, Mudane Matteo Piantedosi, ayaa xaqiijiyay in dowladda Talyaanigu ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso Soomaaliya, isagoo tilmaamay in dalkiisu uu ka go’an yahay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, horumarinta hay’adaha dowladda iyo maareynta arrimaha socdaalka.

Sidoo kale, wafdiga Talyaaniga ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in la sii ambaqaado mashaariicda iyo barnaamijyada lagu taageerayo Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada, horumarinta adeegyada bulshada iyo sugidda amniga.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Talyaaniga, iyadoo la filayo in wada-shaqeynta labada dal ay sii ballaarato, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha iyo taageerada geeddi-socodka dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.