Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Jabuuti, General Sakaria Sheekh Ibrahim, iyo wafdi sare oo saraakiil ciidan ah oo uu hoggaaminayo, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Muqdisho.

Wafdiga ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Soomaaliya u yimid ka qaybgalka Shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka ka qaybta ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo ay isugu yimaadeen taliyeyaasha ciidamada iyo saraakiisha sare ee dalalka taageeraya howlgalka. Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, mideynta qorshayaasha howlgalka, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyo kor u qaadista wada-shaqeynta ciidamada si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.

Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo General Sakaria Sheekh Ibrahim ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee amniga Soomaaliya, horumarka laga sameeyay dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, iyo doorka muhiimka ah ee ay ciidamada Jabuuti ku leeyihiin taageerada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa si weyn ugu mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti taageerada hagar la’aanta ah ee ay muddo dheer la garab taagnaayeen Soomaaliya, isaga oo xusay in Jabuuti ay tahay dal walaal ah oo door muuqda ka qaatay dib u soo kabashada hay’adaha amniga, tababarrada ciidamada Soomaaliyeed, iyo dadaallada lagu ciribtirayo argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey kaalinta ciidamada Jabuuti ee ka tirsan howlgalka AUSSOM, kuwaas oo si dhow ula shaqeeya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana ka qayb qaata sugidda amniga deegaannada laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Jabuuti, General Sakaria Sheekh Ibrahim, ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Soomaaliya soo dhoweynta diirran iyo martigelinta loo sameeyey wafdigiisa. Waxa uu caddeeyey in dowladda Jabuuti ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada iyo iskaashiga militari, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah oo xasilloon.

Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyey is-afgarad ku saabsan sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta joogtada ah ee lagu wajahayo caqabadaha amni ee gobolka iyo taageeridda qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo ciidan qaran oo awood u leh sugidda amniga dalka.

Shirarka noocan oo kale ah ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Soomaaliya iyo dalalka saaxiibka la ah ku xoojinayaan wada-shaqeynta amniga, si loo dardar-geliyo howlgalka AUSSOM, loona xaqiijiyo nabad, xasillooni iyo horumar waara oo ka hanaqaada Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.