Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryan Qaasim Axmed.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, halka uu marayo dhismaha iyo hawlgelinta hay’adda iyo dadaallada lagu xoojinayo awoodda Guddiga si uu si hufan oo madax-bannaan ugu guto waajibaadka loo igmaday.
Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa Madaxweynaha warbixin ka siisay waxqabadkii Guddiga ee lixdii bilood ee lasoo dhaafay, iyadoo faahfaahin ka bixisay howlaha la qabtay, horumarka laga sameeyey dhismaha hay’adda iyo qorshayaasha u degsan Guddiga ee xilliga soo socda.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dadaallada lagu dhisayo hay’ad qaran oo madax-bannaan, hufan, isla markaana lagu kalsoonaan karo, taas oo awood u yeelan karta inay si joogto ah ula socoto xaaladda xuquuqul insaanka, u dooddo ilaalinta xuquuqda shacabka iyo kor u qaaddo wacyiga bulshada ee ku saabsan xuquuqda aasaasiga ah.
Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ayaa si gaar ah uga wada hadlay caqabadaha horyaalla Guddiga iyo baahiyaha jira ee dhinacyada maamulka, hawlgelinta iyo taageerada hay’adda. Waxaa sidoo kale xoogga la saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta u dhexeysa Guddiga iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda.
Kulanka ayaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Guddigu helo taageerada iyo agabka lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadkiisa, iyadoo isla markaana la dhowrayo madax-bannaanidiisa iyo awoodda uu u leeyahay inuu si dhexdhexaad ah oo hufan uga shaqeeyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey muhiimadda ay dowladda Federaalka Soomaaliya siinayso ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, xoojinta isla-xisaabtanka iyo ku dhaqanka sharciga.
Dhankiisa, Guddoomiye Dr. Maryan Qaasim Axmed ayaa tilmaantay muhiimadda ay leedahay in la helo hay’ad qaran oo awood leh, madax-bannaan oo si wax-ku-ool ah uga shaqeysa ilaalinta xuquuqda iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla qaatay muhiimadda dhismaha hay’ado qaran oo waara, hufan oo ku shaqeeya sharciga, kuwaas oo gacan ka geysan kara xoojinta dowladnimada, caddaaladda iyo ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday iyadoo la adkeeyey baahida loo qabo in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqaynta hay’adaha dowladda iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, si loo xaqiijiyo in xuquuqda iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed si buuxda loo ilaaliyo.