Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaahira Kula Kulmay Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Alsiisi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar waxa uu wada-hadallo miro-dhal ah kula qaatay dhiggiisa, Mudane Cabdulfataax Alsiisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.
Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaddib, waxa ay wadajir u qabteen shir jaraa’id oo ay ku soo bandhigeen muhiimadda xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Masar, iskaashiga dhinacyada amniga, horumarka iyo aragtida wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo nabadda gobolka.
“Waxaan hoosta ka wada xarriiqnay in dhowrista madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya. Tallaabooyinka sharci-darrada ah ee Israa’iil qaaday ee ku aaddan aqoonsiga gobolka Waqooyi ee Soomaaliya ee Somaliland, waxay jebinayaan qawaaniinta dagsan ee caalamiga ah, Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, waxayna halis u yihiin inay sii hurriyaan xiisadaha, iyagoo abuuraya fursado ay ka faa’iideystaan kooxaha xagjirka ah ee ka macaasha xasillooni-darrada”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Masar soodhoweynta diirran iyo doorka muuqda ee ay dowladdiisu ka qaadanayso taageerada midnimada, madax-bannaanida, iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, waxa uuna xusay in taageeradaas ay tahay mid ay si weyn u qaddariyaan shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar, Mudane Cabdulfataax Alsiisi ayaa adkeeyay ixtiraamka madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda istaraatiijiga ah ee horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.