Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safar Rasmiga ah ku Tegay Dalka Aljeeriya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u ambabaxay Dalka Aljeeriya, kaddib casumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Madaxweyne Abdelmadjid Tebboune, sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah.

Safarka Madaxweynaha oo ah kii ugu horreeyay ee rasmi ah uu ku tago Aljeeriya tan iyo markii dib loo doortay, ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, inkastoo Madaxtooyadu aanay weli si rasmi ah u faahfaahin qodobada laga wada hadlayo.

Horraantii sanadkan, Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo ay uga wada hadleen iskaashi ku saleysan difaaca, waxbarashada, dhaqaalaha, iyo xoojinta cilaaqaadka labada dal, kuwaas oo ah xubno ka wada tirsan Jaamacadda Carabta.

Safarka Aljeeriya wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Madaxweynaha ee ku aaddan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay dalalka Carabta iyo Afrika.