Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dowladda Ruushka uga mahadceliyay doorka ay ka qaadatay taageerada iyo ilaalinta madaxbannaanida dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa maanta si heer sare ah ugu sagootiyay Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia Safiirka Ruushka ee Soomaaliya, Mikhail Golovanov, oo uu ka dhammaaday muddadii shaqo ee danjirenimo.
Kulanka sagootinta ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka, iyo sidoo kale iskaashiga labada dal ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo xiriirka caalamiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay Ruushka, isagoo xusay in taageerada iyo iskaashiga labada dal uu door muhiim ah ka ciyaaro xasilloonida iyo horumarka gobolka.
Dhankiisa, Safiirka Ruushka Mikhail Golovanov ayaa uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhoweynta iyo wada-shaqeynta dhow ee muddadii uu xilka hayay, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in xiriirka labada dal uu sii xoogeysan doono mustaqbalka.
Ugu dambeyntii, kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi is-afgarad iyo saaxiibtinimo ku dhisan, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga labada dal.