Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay inuu bilaaban doono wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo halka uu ka bilaabmayo..

Xasan Sheekh oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa tilmaamay in wajiga labaad ee gulufka Shabaab dalka looga saarayo uu ka bilaabanayo deegaanada Koofur Galbeed oo kooxdaasi meelo badan ay ka heysato.

“Wejiga labaad ee howlgalka Ciribtirka Khawaarijta ayaa dhawaan ka billaabanaya deegaanada Koonfur Galbeed” ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlayay shirka dib u heshiisiinta ee Baydhabo.
Madaxweynaha ayaa dhinaca kale tilmaamay in wajigii koowaad ee dagaalka lagu qaaday Shabaab uu soo bandhigay tabar darida kooxda, isagoo raja ka muujiyay in mudo kooban kooxda looga saaro deegaanada Koofur Galbeed.

“Waayo aragnimada aan ka helnay wejigii koowaad ee dagaalku waxa uu soo bandhigay itaal yarida Kooxda, Waqti ka yar kii hore ayaana kaga soo jeesandoonna wejiga cusub” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha.

Si kastaba, Shabaab ayaa Degmooyinka iyo Deeegaano badan ka heysata gobolada Sh.Hoose, Baay iyo Bakool oo Koofur Galbeed ah, waana meelaha laga soo abaabulo weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Ciidamada DOwlada FS oon kaashaneysa Dadka Deegaanka ayaa xaqiijiyey lixdii Bil ee ugu dambeysay guulo la taaban karo dagaaladii ay Al-shabaab la galeen, ka dib markii degmooyin iyo Deegaano dhaca Gobolada Sh/dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug kooxda Al-shabaab lagal wareegay.